Kooxaha Kacdoonka  Laascanood oo saldhig ciidan kala wareegay Somaliland

Laascanood (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascanood ee goboolka Sool ayaa sheegay in markale maanta halkaas dagaal uu ka dhacay , waxaana bar bar socday dagaalkaas duqeymo xoogan.

Wararka RBC uu helayo ayaa sheegaya in kooxaha Kacdoonka ay la wareegeen saldhigyadii ciidan ee uu ku sugnaa Taliyaha ciidanka Somaliland ee gobalka Sool .

Sidoo kale ciidamada degaanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah baabuurta Gaashaaman ee dagaalka.

Xerada Guul-wadayaasha, ayaa ahaa bartilmaameedka ugu xoogan ee ay dadka deegaanka doonayeen in ay qabsadaan, halkaas oo ay yaalaan hub xoogan oo ay Somaliland keentay maalmihii lasoo dhaafay.

Magaalada Laascanood waxa ay marti galisay  dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha Kacdoonka ee diidan  in ay hoos  yimaada maamulka Somaliland.

Waxa isa soo- taraya baaqadayada la xiriira  joojinta dagaalka ka sii socda magaalada Laascanood ee sababay dhimasho , dhaawac iyo barakac ku yimid dadka magaalada ku noolaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.