Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo sabti ah waxaa buuq fara badan hareeyay kulan ay lahaayeen xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Buuqan waxaa la sheegay in ay sameeyeen xildhibaanada haweenka qaarkood kuwaas oo ka godoodsanaa baaritaan lagu sameeyo xildhibaanada sida ay sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanada.
Waxa jiray amar la soo rogay kaas oo ku saabsanaa in la baaro boorsooyinka xildhibaanada Haweenka eek a mid ah Golaha shacabka , lama oga cida bixisay amarkaas.
Xildhibaano badan oo la kulmay dhacdadan ayaa marka ay soo galeen hoolka shirka ka horyimid in kulanka uu furmo, ayaga oo dalbaday in lala xisaabtamo ciddii bixisay amarka.
Muuqaal warbaahinta ay heshay ayaa muujinaya haween badan oo xildhibaano ah oo taagan masrax iyo guddoonkka hortiisa, kuwaas oo si caro leh uga hadlay arrintan.
In muddo ah oo buuqan ka socday Villa Hargaysa oo kulanka ka socday ayaa ugu danbeyn lagu guulaystay in la dejiyo laakiin buuqaas waxa uu saamayn ku yeeshay fadhiga Golaha shacabka ee maanta.
Leave a Reply