Madaxwayne Xasan ‘ Shiico ayaa dalka ka saarnay “

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka ay ka saareen Hay’ ado ajaaniib ah oo ka qayb qaadanayay shiiceynta dadka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in sidoo kale albaabada ay u laabeen safaarada Iiran ay ku lahayd Soomaaliya ka dib markii ay ka war helaan in ay ka qayb qaadanaysay shiiceeynta dad Soomaaliyeed.

“Ma aha wax la ogolaan karo in dalka Soomaaliyeed lagu faafiyo diin kale ” ayuu yiri Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hay’addaha la xiray ee madaxweynaha uu sheegay ayaa kala ah; hay’adda Qumeyni Fundation iyo hay’adda Bisha Cas ee Iiraaniyiinta. Sidoo kale waxa la xiray safaaradda Iran ee Muqdisho.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa intaas warkiisa ku daray in muhiim ay tahay in shacabka ay ka qayb qaataan la dagaalanka kooxaha faafinaya diin aan ahayn Islaamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.