Ciidan ka tagay Muqdisho oo durbadiiba dagaal ka bilaabay Sh.Dhexe.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka Cadale oo ay wehliyaan xildhibaanno iyo saraakiil ayaa gaaray deegaanno ka mid ah Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan ka baxay magaalada Muqdisho oo beel ahaan kasoo jeeda Shabeellaha Dhexe ayaa u baxay labo jiho oo kala ah dhinaca Cadale iyo dhinaca Jowhar, waxa ayna xalay gaareen deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Waxaa la arkayay ciidamo fara badan oo wata gadiid dagaal oo ku sii jeeda degaanno ka mid ah Shabeellaha Dhexe kuwaas oo u jeedkooda uu yahay in Al- Shabaab ay kula dagaalamaan gobolkaas.

Sida RBC wararka ay – helayso ay sheegayaan ciidankan ayaa durabdiisa meelaha qaar kula dagaalamay kooxda Al- Shabaab inkastoo la soo sheegin wax khasaaraha oo ka dhashay weerarkaas .

Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ka soconayay abaabul dagaal oo ka dhanka ah Al- Shabaabka ku sugan deegaanno ka mid ah Shabeellaha dhexe , kaas oo ay hor kacayeen xildhibaano iyo bulshada ka soo jeeda deeganka.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha ay ku sugan yihiin – kooxda Al Shabaab isla markaana hadda uu ka bilowday kacdoonka dadka deegaanka ay isaga dulqaadayaan culayska kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.