Garoowe ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 14-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta Dalka.
Markuu arkay: Go’aankii Dowladda Puntland ee ka soo baxay 9-kii Jan 2023 Madaxtooyada Puntland.
Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.
Waxuu Xeeriyey:
Magacaabida Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.
Guddiga Goleyaasha Dowladda:
- Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye
- Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen
- Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin
- Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin
- Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
- Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin
- Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin
- Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin
- Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin
- Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin
- Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin
- Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin
- Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin
Guddiga Khubarada: - Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye
- Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen
- Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin
- Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin
- Md. Axmed Abshir Faarax Xubin
- Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin
- Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin
- Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin
- Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Leave a Reply