Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya?

Muqdisho (Raxanreeb ) Shirkii Golaha Wasiiradda XFS oo looga hadlay hawl-gallada dib-u-xoraynta deegannada argagixisadu shacabka ku dhibaateeyaan, ayaa lagu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka gaareen howl-gallada lagu cirib tirayo nabad diidka ee ka socda qaybo badan oo ka mid ah goballada dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada guuleystay ee nabad-diidka looga xorreeyay deegaano badan, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga xoreeyay argagixisada.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen

Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda cirib tirka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda si fiican ugu baraarugay dhagarta argagixisada ee duullaanka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladdnimada, isla markaana banaystay maalka iyo nafta shacabka Soomaaliyeed, taasi oo keentay in bulshaddu hormuud ka noqoto howl-galka dib u xorraynta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.