DFS oo sheegtay in ay xoogga saartay la dagaalanka Musuqa

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoojisay howlgallada la dagaalanka Musuqa ee ka dhex socda hay’adaha iyo xafiisyada kala duwan ee Dowladda si loosoo afjaro ‘Lun-sashada’ hantida amaanada ah.

War kooban oo lagu daabacay barta Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in la dagaalanka Musaqa uu galay meelo kala duwan si loo ciribtiro maadaama uu dhibaato xooggan ku hayay soo kabashada dhanka dhaqaalaha & horumarka.

Dowladda ayaa tilmaamtay in ay xirtay Dad aysan sheegin magacyadooda, tiradooda, derajadooda iyo inta ay gaarsiisan tahay eedaha loo hayo ee la xiriira Musuqa sidaas oo kale lama shaacin waqtiga la qabtay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in diiradda la saarayo la dagaalanka Musuqa iyo in Maxkamadda awoodda u leh lasoo taago dadka ku eedeysan in ay xatooyo ku sameeyeen hantidada Dadweynaha.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku celceliyay in Dowladda ay dagaal adag la galeyso soo afjaridda Musuqa, dhabbaha loo marayo ayuu tilmaamay in Madax illaa shaqaale la isaga kaashanayo.