Dowladda Federaalka ” 1 Milyan oo doolar ayaa ugu yaboohnay Turky-ga “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya ayaa walaalaha Turky-ga ugu yaboohday lacag loogu tala- galay garab istaaga dadka waxyeeladu ay ka soo gaartay dhulgariirkii ka dhacay dhawaan dalkaas.

Xukuumadda oo olole gurmad ka daahfurtay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in la joogo markii maanta oo kale la caawin lahaa shacabka Turky- ga oo Soomaaliya u soo gurmadeen mar indhaha uu ka laabteen dalal badan.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay madal lacag loogu  yaboohay walaalaha Turky ayaa sheegay in  lacag dhan 1 Milyan oo Dollar Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turky.

“Waxaa loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre

Xamse wuxuu sidoo kale u soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan

Leave a Reply

Your email address will not be published.