Dhaawacyo “halis ah” oo laga keenay Laascanood oo lagu daweeynayo Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb ) Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Sodma ayaa markii sadaxaad galabtay waxa ay magaalada muqdisho keentay 20 qof oo kamid ah dadkii dhawacyada ka soo gareen dagaalada culus ee ka socda Magaalada Lascanood  ee xarunta gobolka Sool ee u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidamada Soomaaliland.

Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad liita waxaa garoonka Adaan Cadde uga hortagay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee  BFS,Xildhibano katirsan labada aqal,Agaasimaha guud ee Hey’adda maareynta Masiiboyinka Qaranka,Agaasimaha waaxda cafimaadka waxaana dhawacyadaan Magaalada garowe ka soo daabulay diyarada dhawacyada sidana la socday  Madaxa xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta masiiboyinka

Gawaarida gurmadka deg deg ah ayaa dhawacyadaan u daabulay xarumaha  cafimaadka magaalada si logu baxnaaniyo

Agaasimaha xarunta howlgallada Gurmadka Degdegga ee hey’adda mareynta masiiboyinka Qaranka mudane Abdullahi Mohamed Abdi (Abdullahi Qaran)Magaalada garoowana ka soo qaaday dhawacyadan  ayaa kawarbixiyey tirade dhawacayda galabtay magaalada muqdisho la soo gaarsiiyey

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde”. Ayaa u mahadceliyey madaxda ugu sareysa  hey’adda mareynta masiiboyinka oo dhawacayadan isku howlay sidii muqdisho loo soo gaarsiin lahaa

Waxaa qeybtii sadaxaad dadka ku dhaawacmay dagaalada laascaanood ee hey’adda mareynta maiiboyinka ay magaalada muqdisho soo garsiiso si loogu baxnaniyo cafimaadkooda madaama ay ku jiraan dadkaan kuwa qaba dhaawcyo culus.

Leave a Reply

Your email address will not be published.