MUQDISHO : Askar ku geeriyootay dagaal ciidanka DF ku dhaxmaray Deyniile

MUQDISHO : Askar ku geeriyootay dagaal ciidanka DF ku dhaxmaray Deyniile

Muqdisho (Raxanreeb ) Iska hor imaad  khasaare gaystay ayaa caawa ka dhacay degmada  – Dayniile ee gobolka Banaadir.

Iska  hor imaadkan ayaa dhaxmaray ciidamo ka wada- tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida  ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii laba qof oo ka mid ahaa ilaalida masuuliyiin ka tirsan degmada Dayniile dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay.

Isfahan- waa soo dhaxgalay labada dhinac ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalka caawa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday iska hor imaadka ilaa afar qof oo ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay degmada Dayniile.

Xiriir aan la samaynay maamulka degmada Dayniile ayaa ka gaabsaday in wax  faahfaahin ah ay ka bixiyaan dagaalka caawa ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxa ka taagnaa maalmahanba xaalad amni darro oo aad u baahsan oo ay saamaysay dadka ku nool magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.