”Arday 12 Jir” ah oo lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan Dowladda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo aan la sheegin waxa uu salka ku hayo ayaa la sheegay inuu yahay mid u dhaxeeyay ciidamo ka wada- tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dagaalkan oo ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho waxa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay arday 12 sanno jir ah oo ka soo baxay iskuul ku yaala meel u dhaw halka uu dagaalka ka dhacay.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya wali ma aysan ka hadlin waxa keenay dagaalkan degmada Shibis ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan Dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.