Farmaajo & DENI oo shir ku yeelanaya magaalada Garoowe ee Puntland.

Farmaajo & DENI oo shir ku yeelanaya magaalada Garoowe ee Puntland.

Garoowe (Raxanreeb )- Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  magaalada Garoowe ee Puntland kula  kulmaya Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Deni.

Ujeedka ugu way nee Farmaajo ee Puntland ayaa ah ka hadlida Dastuurka KMG ah oo qorshahiisa ay riixaysa Villa Soomaaliya taas oo keentay in ay abuurmaan isbahaysiyo kala duwan.

Labada nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee uu wado madaxweyne Xasan, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani, ayaa ka mid ahaa madaxdii dawlad goboleedyada Soomaaliya ee sida adag ugu horjeestay dowladii Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara shirarka ay Garoowe ku yeelan doonaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

Leave a Reply

Your email address will not be published.