ISTANBUL (Raxanreeb ) Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi ka socda Dowladda Federaalka halkaas oo ay kaga qayb galayaan shir looga hadlayo sidii Soomaaliya loogu cafin lahaa deynta.
Wafdigan waxaa horkacaya wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr Cilmi Maxamed Nuur oo shirka ku soo bandhigi doono halka ay marayaan dadaalada deyn cafinta dalka iyo hormarada laga gaarinta arintaas.
Shirkan waxaa soo qaban – qaabiyay Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF.
Inta uu socdo shirkan ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa halka ay marayeen talaabooyinka dhamaystirka u ah deyn cafinta Soomaaliya ee soo socotay shantii sanno ee la soo dhaafay.
“Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an ka guul-gaaridda Horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mustaqbalka wanaagsan ee Bulshada Soomaaliyeed ayuu yiri” sidaas waxaa shirka ka sheegay Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur.
Waxa si mid ah shirkan ku sugan wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo wax badan kala socday heerarka iyo dhamaystirka Barnaamijka deyn cafinta dalka.
Soomaaliya ayaa wali ruclayn ugu jirta sidii loogu cafin lahaa deynta lagu leeyahay , taas oo haddii ay dhacdo wax badan ka bedeli doonta dhaqaallaha dalka oo aad u liitay 30-kii sanno ee la soo dhaafay.
Leave a Reply