Guterres ‘’ Tan & markii Xasan Sheekh la doortay dilalka rayidka ayaa kordhay ‘’

Guterres ‘’ Tan & markii Xasan Sheekh la doortay dilalka rayidka ayaa kordhay ‘’

NewYork (Raxanreeb ) Qaramada Midoob ayaa Soomaaliya ka soo saaray warbixin argagax leh oo la xiriira kororka ku yimid dilalka loo gaysanayo dadka rayidka.

Hadal uu ka jeediayay Golaha ammaanka ayaa Antonio Guterres ku sheegay in sanadkii 2022 uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017-dii.

Arintan ayaa Xoghayaha Qaramada Midoobay  sababo uga dhigay kororla weerarada kooxda Al- Shabaab ay ka gaystaan gudaha dalka iyo weerarada ay gaystaan oo waxyeelo ay ka soo gaarto shacabka.

“Kororka khasaaraha ayaa 2022 ka dhigaya kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017,” ayuu yiri Guterres.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in Soomaaliya ay ka sii socoto amni –darrada iyo rabashadaha ka dhanka ah haweenka iyo caruurta sidaas darteeda  loo  baahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinkaas.

Kooxda Al-shabaab, oo muddo 15 sano la dagaalameysay dowladda federaalka, ayaa weli maamusha qeybo ka mid ah baadiyaha dalka, waxayna sii wadaan inay qaadaan weeraro aargudasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.