Isbitaalka Laascanood “Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah”

Isbitaalka Laascanood “Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah”

Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool waxaa ka sii soconaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha diidan in Somaliland ay ku sii sugnaato gobolada Sool, Sanaag iyo  cayn.

Dagaalkan oo galay todobaadkii afaraad waxaa uu gaystay khasaare isugu jira dhimasho  iyo dhaawac oo inta badan soo gaaray dadka rayidka ah .

 “Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood .

Dagaalka labada dhinac ayaa weli ka socda jihooyinka dhinaca bari ee magaalada Laascaanood halkaas oo laga maqlayo deryanka hubka noocyadiisa kala duwan.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaamiye beeleed caan ah, ayaa Arbacadii sheegay in 150 qof la dilay, 500 oo kalena lagu dhaawacay dagaalka Laascaanood.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 185,000 oo qof ay ku barakaceen rabshadahan.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda todobaadkii 3aad oo xiriir ah ka socota Magaalada Laascaanood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.