Soomaaliya oo doonaysa in  Ruush-ka uu ka baxo Ukraine .

Soomaaliya oo doonaysa in  Ruush-ka uu ka baxo Ukraine .

NewsYork (Raxanreeb ) Xarunta Qaramada – Midoobay waxaa ka qabsoomay fadhi gaar ah oo looga hadlayay dagaalka u dhaxeeya Dowladaha  Ruush-ka iyo  Ukraine kaas oo muddo dheer qaatay sababayna dhimasho ,  dhaawac  iyo burbur dhan kasta ah.

Ruush-ka ayaa  waxa gudaha dalka Ukraine kaga sugan ciidamo aad u fara badan kuwaas oo ka qayb qaatay duulaankii uu ku qaaday dalkaas , isla markaana wali u toog haya weeraro kale.

Dalal badan oo ka mid ah Qaramada Midoobay si gaar ah 30 wadan oo Afrika ah oo ay Soomaaliya ay ku jirto ,  ayaa codkooda ka dhiibtay qaraar Haa iyo Maya ahaa oo  Ruush-ka uu kaga baxayo Ukraine.

Soomaaliya ayaa ku biirtay wadamada  Afrika ee qaraarka Qaramada Midoobay ugu codeeyay “Haa”, taasoo ka dhigan in ay taageertay qorshaha ku aaddan in Ruushka uu ka baxo Ukraine.

Dalalka Eritrea iyo Mali oo keliya ayaa si toos ah uga soo horjeestay qaraarka oo ku saleysan in Ruushka ka baxo  Ukraine, waxa ayna ku codeeyeen “Maya”.

Dalalka qaar ee Afrka ayaa aamusay in Ruush-ka lagu qasbo in ciidankaas ay ka baxaan Ukraine , taas oo ka dhigan in dalalka Afrika ay ku kala duwan yihiin dagaalka Ruush-ka uu ku qaaday Ukraine.

Maanta oo kale 24-kii bishii Febaraayo 2022, ayaa taankiyada iyo dabaabaadka miltariga Ruushku waxay duulaan buuxa ku galeen dalka Ukraine.

Sanad ka dib dadka Ukraine ayaa maanta u baroor diiqaya dadkii kaga dhintay dagaalka oo weli socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.