Guudlaawe ‘’ Waan ka aarsan doonaa Argagaxisadda ‘’

Jowhar (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay khawaarijtu kusoo qaaday deegaanka Hilowle gaab ee hoos yimaada degmada Ruunirgood.

Madaxweynaha ayaa xusay in kooxda khawaarijta alshabaab oo saaka weeraro ku biloowday qaraxyo kusoo qaaday fariisimaha Ciidamada iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanka Hilowle Gaab lagu jabiyay diinlaawe yaasha cadowga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la dardargalinayo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta arxan laawayaasha ah waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan dhameystirka cadowgaan u tagaan baabi’inta shacabkeenna.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay geesiyaashii naftooda ku waayay difaac dalka dadka iyo diinta inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.