Al- Shabaab markasta tab cusub ayay la yimaadaan Maxaa sabab u ah ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa goor sii horeysay oo maanta oo Jimca ah waxa ay weerar dad badan ay ku dhinteen ay ka gaysteen deegaanka Hiliowle- Gaab oo hoos taga  degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo dhacay saaladii subax ka dib  ayaa la sheegay inuu yahay kii labaad oo Al- Shabaab si isku mid ah u fuliyaan taas oo hadal hayn badan ay ka dhalatay.

Ergayga Madaxweynaha ee arrimaha gurmadka abaaraha ayaa ka hadlay dagaalkii saaka waaberigii ka dhacay degaanka Hilowle Gaab ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii fariisimaha ay halkaas ku leeyhiin ciidamada DF ay dagaal qaraxyo ku bilowday ku soo qaadeen Al-Shabaab.

C/raxmaan C/shakuur  ayaa isweydiiyey sababta looga gaashaaman waayey xeelada mar walba ay adeegsadaan Al-shaaab ee ah iney mar walba weeraro soo qaadaan xiliyada aroornimada ah.

HADABA HOOS KA AKHRISO.

Allaha u naxariisto askartii, saraakiishii iyo dadkii rayadka ahaa ee lagu dilay weerarkii ay argagexisada Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Hilowle-Gaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Waa shuhado dhintay iyagoo dalkooda, diintooda iyo dadkooda daafacaya. Balse si looga gungaaro jabka argagexisada gabalkoodu sii liicayo waa in aan sunnada iyo waddada guusha qaadno. 

Mar uu ka hadlayey, shuruudaha guusha dagaalka, ayuu Sun Tzu oo ahaa Jeneraal cabqari ku ahaa Istiraatiijiyadda dagaalka, ku sheegay buuggiisa Fanka Dagaalka (The Art of War);

“Haddii aad cadawgaada taqaanno, adigana is-taqaanno, ma aha in aad ka walwasho guusha dagaalka. Haddii aad adiga is-taqaan, laakiin aadan cadawgaaga aqoon, guusha iyo guuldarrada waa u simantihiin, haddiise aadan cadawgaada aqoon, adigana is aqoon, markasta guuldaro u joog ayaa tahay”.

Haddii aan tabta weerar ee cadawgeenna naqaan, ognahayna halka ay taagdarrida (weakness) ciidankeenu ka jirto,  maxaa keenay in cadowgu tab isku mid ah maalin walba ciidankeenna ku laayo?

Nabigeenna Suubban (NNKH) mar uu dagaal ka soo laabtay ayuu yiri “Waxaan ka soo laabanay jihaadkii yaraa, waxaan u soo laabanay Jihaadkii waynaa” Kan danbe ee wayn ee laylinta nafta, haddii maanta loo eego waa hagaajinta (reform-ka) ciidanka, dhismaha kalsoonidiisa, kala danbaynta, kala amar qaadashada, dallacsiinta, dib-u-celinta, ciqaabta iyo abaal marinta.

Way adag tahay ciidan aan intaa lahayn in uu guulaysto. Haddii la isku dayo in dib loo dhigo, meel dhexe ayey nagula jebi doontaa ee ugu yaraan ha la isku wado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.