Horjooge Al- Shabaab oo lagu dilay Ceeldheer , Galgaduud

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al- Shabaab ay ku dileen deegaano ka mid ah gobolka galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Waxa ay Dowladu ay ku warantay  in dilk sarkaalkan uu ka dhacay deegaanka Shiikh Cabdullaahi ee degmada Ceeldheer ee  gobolka galgaduud.

Sarkaal lagu dilay Degmada Ceelbuur ayaa la sheegay in  lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Xasan Gaafow kana mid ahaa   horjoogayaasha Shabaab ee  gobolka galgaduud.

Daauud gacameey oo kamid ah saraakiisha ciidamadda ayaa sheegay intii uu howlgalkan uu socday inay ciidamadu xoreeyeen illaa dhowr tuulo oo hoos yimaada degmada Ceeldheere.

Wakalada wararka SONNA ayaa ku warantay in  in howlgalada ka socda gobolka galgaduud  ay yihiin kuwo lagu dilay xubno sare sare oo ka mid ahaa kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.