Mareynka oo duqeyn ka fuliyay Gobolka Bari ee Puntland

Boosaaso (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas diyaaradaha Mareykanka dueymo ay ka fuliyeen.

Waxaa  lagu soo waramayaa in diyaaradaha duuliyaha lahayn ay beegsadeen saldhigyada kooxda Daacish ee buuraha galgala.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in weerarkan oo ahaa kuwo is daba joog ah khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish oo  halkaas ka dagaalama.

Dowladda Mareykanka wali wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin weerarada uu ka gaystay  buuraha galgala ee gobolka Bari.

Dhawr jeer ayaa sidan oo kale diyaaraha dagaal ee Dowladda Mareykanka waxa ay duqeymo ay ugu fuliyeen deegaano ka mid ah gobolka Bari.

Si kastaba, Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxdan dhaq-dhaqaaq culus ka waday halkaas oo ay marar badan kula dagaalantay ciidanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.