Baydhabo (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dowladda Ingiriiska uqaabilsan Koonfur Galbeed Captain Alex iyo Saraakiil Ciidan oo ay Wehlinayeen.
Kulankan qaabilaadda ee madaxweyne Laftagareen, oo ay ka qeybgaleen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar.
Laftagareen, iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadleen Xoojinta Amniga Deegannada Koonfur Galbeed, Kordhinta Taageerida Dowladda UK ee Tababarida sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulankaasi.
Sidoo kale Inta uu socday kulanka ayaa looga hadlay qalabeeynta ciidamada Qalabka Sida, iyo wadaagidda xogaha ku saabsan kooxda Al-Shabaab, iyo dagaallada adag ee lagula jiro.