Doon 15 qof ay ku dhinteen “Dumarku aad bay u argagaxsanaayeen”

Athens (Raxanreeb ) in ka badan 15 qof ayaa la xaqiijiyay in ay  ku dhinteen doon ku degtay xeebaha dalka Gariiga kuwaas oo doonayay in  si dhuumalaysi ah ku galaan dalkaas si ay u garaan  dalalka Yurub.

Dadkan badankooda ayaa la sheegay in ay yihiin Afrikaan  ayaa maydooda  laga helay meel u dhow jasiiradda Lesbos kadib markii ay la degtay  doon  ay ku safrayeen.

Sida la wariyay doontaan ayaa waxaa saarnaa  40 qof  taas oo ku degtay bariga Jasiiradda Lebos  xilli ay dabeylo xooggan ay socdeen.

afhayeenka ilaalada xeebaha Nikos Kokkalas ayaa sheegay in sagaal kale oo haween ah laga soo badbaadiyay dhacdada Lesbos

Waxa uu yiri Afhayeenka ‘’ “Dumarku aad bay u argagaxsanaayeen ”  waxaana uu intaas warkiisa ku daray in dadka la soo badbaadiyay ay la tacaalayaan , xaaladooda.

Ilaalada xeebaha Giriigga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen ilaa 1,500 oo qof siddeedii bilood ee ugu horeysay sanadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.