Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Laascaanood ee gobolka Sool

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Laascaanood ee gobolka Sool

Laascanood (Raxanreeb ) Ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa weli isku hor fadhiya aaggag u dhaw magaalada Laasacaanood oo ay ku dagaallamayeen tan iyo horraantii bishii hore.

Dhanka kale, shacabka ka barakacay magaalada ayaa xaalad adag ku wajahaya deegaannada ay gaareen.

Waxaa inta badan deegaannadaas ka curtay roobab, taasoo culayska ku kordhisay qoysaska aan haysan hooy wanaagsan.

Mas’uuliyiintan ka socday Itoobiya, ayaa dhinacyadan kala hadlay in marka hore xabadda la joojiyo si markaa kadib loo sii wada hadlo.

Horey Somaliland ayaa ugu dhawaaqday xabbad joojin hal-dhinac ah balse taasi ma shaqeyn oo dagaalladu way sii socdeen iyadoo dhinacyaduna isku jeedinayeen eedo ku saabsanaa jabinta xabbad joojintaas.

Dadka reer Laascaanood waxaa hoggaaminaya Golaha dhaqanka. Waa14 xubnood oo isugu jira sagaal garaad, 2 suldaan iyo 2 ugaas iyo Boqor.

Leave a Reply

Your email address will not be published.