XOG : Axmed Madoobe oo ka diiday Villa Somalia qorshe ciidan lagu gaynayo Jubbooyinka

Kismaayo ( Raxanreeb ) Warar lagu kalsoon – yahay oo RBC uu ka helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shir gaar ah oo ay yeesheen Madaxwayne Xasan Sheekh & Axmed Madoobe is- waa uu ku dhamaaday.

Shirkan gaarka ah ayaa ahaa mid labada dhinac ay uga hadleen howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab in laga bilaabo deegaano ka  mid ah gobolada Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin kooxd Al- Shabaab , inkastoo qodobkan la isku fahmay hadana hal qodob ayaa noqday mid la isku maandhafay .

Qodobka ugu wayn ayaa ah in Madaxwaynaha Jubbaland  Axmed Madoobe uu diiday in deegaanada maamulkaas la geeyo ciidanka lagu soo tababaray Eratria si ay ugu qayb qaataan howlgalada.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa la xaqiijinayaa inuu ka dhaadhicin waayay Axmed Madoobe in ciidankaas deegaanadaas ay ka howlgalaan Jubbooyinka taas oo keentay in shirkaas uu ku soo dhamaado is – faham waa.

Si kastaba Ciidanka lagu soo tababaray Eratria ayaa inta badan hadda waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho , mana muuqato howlgal rasmi ah oo ay ka qayb-qaateen tan iyo markii dalka ay ku soo laabreen qayb ka mid ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.