Ma waxa la joogaa xiligii la bedeli lahaa Madaxwaynaha Jabuuti Geelle ?

Ma waxa la joogaa xiligii la bedeli lahaa Madaxwaynaha Jabuuti Geelle ?

Jabuuti (Raxanreeb ) Shacabka dalka Jabuuti ayaa maanta u dareeray doorashada baarlaman cusub taas oo ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi.

Qiyaastii 230,000, oo ah dad sharci u leh inay codeeyaan, ayaa dooranaya 65 xildhibaan oo baarlamanka fadhin doona muddo shan sano ah

Codbixinta ayaa daba socota doorasho madaxweyne oo dhacday April 2021, taasi oo madaxweyne Geelle uu helay 97 boqolkiiba codadka, si uu markii 5-aad madaxweye u noqdo.

Doorashada ayaa dhaceysa ayada oo ay jirto hadal hayn ku saabsan qofka ay suurtagal-ka tahay inuu beddelo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer Afrika

Si kastaba Labada xisbi ee ugu weyn mucaaradka ee MRD iyo ARD ayaa qaadacay doorashada maanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.