Doorashada Kursiga HOP#86 oo Muqdisho lagu qabanayo+Villa Somalia oo farta lagu godayo

Doorashada Kursiga HOP#86 oo Muqdisho lagu qabanayo+Villa Somalia oo farta lagu godayo

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxa lagu qabanaya doorashada Kursiga sumadiisa ay tahay HOP #86 kaas oo  ay ka taagan tahay  khilaaf xooggan.

Kursigan deegaan doorashadiisa waxa ay ahayd magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan , halkaas oo  mar uu ku soo baxay Taliyihii hore ee Nabad sugida Fahad Yaasiin oo markii dambe Guddiga uu diiday doorashadaas.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahanba ka taagnaa khilaafka kursigan oo sababtay in musharaxiinta qaar ay ku andacoodaan in la doonayo in shaqsi gaar ah Dowladda ay siiso kursiga

Ujeedka ugu wayn ayaa lagu sheegay in ay tahay Villa Soomaaliya oo doonaysa in kursiga ay ku fariisiso shaqsi gaar ah oo ay iyadu wadato taas oo saan- saanteena maalmahanba ay taagnayd.

Guddiga doorashada ayaa la sheegay in arrintan ay u xilsaarteen xubno ka tirsan  Villa Soomaaliya oo doonaya in la baalmaro dhamaan hanaankii doorasho ee qeexayay doorashada kuraasta banana.

Doorashadii Kuraastii ay baneeyeen Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Cabdi iyo Mahad Salaad ayaa dib loogu celiyay deeganooda , waa meelaha ay ka dhalatay shakiga laga qabo  in kursigan wax aka soocay kuwan .

Leave a Reply

Your email address will not be published.