Mareykanka oo $10 Milyan oo Doollar dul dhigay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.

Nairobi (Raxanreeb ) Mareykanka ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas ku geeriyootay 22 qof oo lagu daray 5 ruux oo ah kooxdii weerarka fulisay, Mareykanka ayaa qirtay in muwaadiniin uga geeriyootay weerarkaas socday 15ka illa 16ka  Janaayo 2019.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka ‘eedeysane’ Maxamuud Cabdi Aden.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

Danjiraha Mareykanka ee Kenya Meg Whitman ayaa sheegtay in Washington ay ka go’an tahay Bixinta lacagta abaalmarinta si loogu dhiirrageliyo Muwaadininta heli kara xogaha dadka bartilmaameedka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.