Mareykanka ” Ciidankeena way sii joogi doonaan Soomaaliya” –  MOOSHIN

Mareykanka ” Ciidankeena way sii joogi doonaan Soomaaliya” –  MOOSHIN

NewYork (Raxanreeb ) Xubno ka tirsan Wakiilada Mareynkanka ayaa gabi ahaanba diiday qaraar sheegaya in ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya laga saaro.

Ciidanka Mareykanka oo mar laga saaray Soomaaliya waqtigii Trump ayaa markale dib loogu soo celiyay Soomaaliya kuwaas oo tababar siiya ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Cod ay u qaadeen golaha wakiiladdu, ayaa waxay 321 kamid ah ka soo horjeesteen ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. Halka ay taageereen 101 xubnood.

Diidamada ka timid xubnaha Wakiilada ayay ku saleeyeen sabab la xiriirta amniga Qaranka Mareykanka sidaas darteeda ay muhiim tahay in ay sii joogaan ciidankaas gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha wakiilada Mareykanka ayaa sheegay in la joogo waqtigii ciidanka Mareykanka laga soo saari lahaa Soomaaliya , marka laga reebo kuwa jooga ee ilaalada u ah safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha talada dalkaasbhaya Joe Biden ayaa ku adkeysanaya in loo baahan yahay si loola dagaallamo Ururka Al-Shabaab oo dagaal kala soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.