Mursal “Madaxwayne  Ha barakicin dadka koonfur galbeed “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ka dib markii ay soo baxeen warka ku saabsan inuu dhamaaday muddo xileedka Madaxwaynaha koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxaya digniin la xiriirta dhibaatooyin ka dhici kara deegaanada maamulkaas.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in la joogo waqtigii xafiiska uu banaanayn lahaa Madaxwaynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Waxa ugu baaqay Mursal Laftagareen in ilaaliyo dastuurka dalka iyo kan Koonfur Galbeed isla markaana uu qabto doorasho la isla ogol yahay.
Mursal ayaa sheegay in loo baahan yahay in laftagareen degaanada Koonfur Galbeed uu ka abuurin khalalaase abuuri kara barakac.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegey inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo dib u heshiisiin dhexmarta siyaasiyiinta iyo beelaha tabashada qaba ee Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.