Muqdisho (Raxanreeb) — Booliska Soomaaliyeed ayaa soo farogeliyay xiisadda ka dhalatay dhulka qubuuraha Iskuul Buluusiya, ee magaalada Muqdisho, taas oo ka dhalatay markii laga saaray halkaasi qaar kamid ah maydadkii horey loogu aasay halkaasi.
Afhayeenka booliska oo warbaahinta kula hadlay halkaasi ayaa beeniyay inuu jiro amar kasoo baxay taliska oo lagu burburinayo qabuurahaasi, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.
“In maydadka laga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya ma’ahan mid jirto arrintaas, amar kasoo baxay talisyadana ma jiro” ayuu yiri afhayeenka.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay darbiga weyn ee lagu wareejiyay qubuuraha uu yahay ujeedka in lala socdo dhaq-dhaqaaqa iyo cida lagu aasayo halkaasi sababta rasmiga ee ay u dhimatay iyo warqad caddeneysa dhimashada qofkaasi.
“Beriyahan waxaa soo kordhay in qof la dilo, haddana la duugo, si looga hortago arrintaasn ayuu booliska soo kordhiyay siyaasaddan cusub” ayuu mar
Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay in dadka ay xor u yihiin in ay labaxaan meydadka ehelladooda, haddii ay heli karaan meel iyagu jeceylyihiin.
“Xor ayay u yihiin bulshada Soomaaliyeed ninka qof ka dhintay ee horay ugu aasay halkan, haddii uu meel wanaagsan ku aasanaayo ama gurigiisa xor ayuu u yahay” ayuu yiri markale.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli maanta laga bixiyay majaajiliistihii caanka ahaa Ajakis, oo carruurtiisu sheegeen in ay ku aaseen goob kale.