Muqdisho (Raxanreeb )- Madax hore iyo siyaasiin ayaa sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya uu dalka u horseeday qalaalase iyo jid ay adag tahay in laga soo laabto maadama uu qaaday talaabo kala gayn karta shacabka Soomaaliyeed.
Qoraal si wada jir ah ay u soo saareen Ra’iisulwasaariyaashii hore Xasan Khayre, Cumar Cabdi rashiid iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayay ku sheegeen in Xasan Shiikh uu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran gelinaya.
Warka wadajirka ah ayaa lagu yiri sida tan :
”’Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah ‘’
Hoos ka akhriso qoraalka .
Leave a Reply