Barcad Badeed isku soo dhiibtay ciidamada badda Hindiya

Barcad Badeed isku soo dhiibtay ciidamada badda Hindiya

Muqdisho (Raxanreeb) — Koox ka tirsan Buurcad badeed Soomaali ah, oo afduub u haysatay dooni kalluumeysi ayaa maanta isku dhiibay ciidamada badda Hindiya, sida ay sheegeen qaar kamid ah warbaahinta, dalkaasi oo soo xiganeyso saraakiil kamid ah, ciidamada badda.

Burcadan, ayaa muddo gacanta ku hayay dooni laga leeyahay dalka Iran oo lagu magacaabo Al-qamaar, taas oo ay la socdeen 23 shaqaale u dhashay dalka Pakistaan.

Laamaha amniga badda ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeen howlgallo socday 12 saacadood, kadibna sidaas lagu qabtay burcad badeeddan oo isku dhiibay ciidamada badda Hindiya.

Kuwan waa kooxdii labaad oo sidan isku soo dhiiba isbuuc ka hor sidan oo kale koox gaareysa 20 oo dooni afduub u haystay ayay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada Badda Hindiya.

Howlgal qaatay 40 saacadood ayaa lagu soo afjaray kooxdaasi oo afduub ahaan u haysatay markabka MV Ruen oo ay saarnayeen 17 shaqaale ah oo ugu dambeyn lasoo bad baadiyay.

Markabkaasi, ayaa laga lahaa dalka Bulgaariya, isagoona ku safrayay calanka dalka Malta, kaasoo burcad badeed Soomaali kasoo af-duubeen Biyaha Caalamiga ah, dhammaadkii sannadkii hore ee 2023-ka.

Xilliga howlgalku dhacayay Markabka ayaa ku sugnaa masaafo dhan 1400 Nautical Miles, u jirta xeebta Badweynta Hindiya.

Ugu danbeeyntii dhammaan xubnihii Burcad Badeedda ee gacanta lagu dhigay ayaa la geeyay dalka Hindiya, halkaas oo ay todobaadkii hore looga billaabaay maxkamadeyn toos ah.