Shabaab  sanad gudahiisa 80 kun oo qof ayay dishay Soomaaliya

Shabaab  sanad gudahiisa 80 kun oo qof ayay dishay Soomaaliya

Nairobi (Raxanreeb ) Xaruunta daraasaadka iyo Istiraatiijiyadaha Afrika warbixin ay soo saartay ayay ku soo bandhigtay tirada – guud ahaan Al- Shabaab ay ku dileen gudaha Soomaaliya

Waxa ay sheegtay xarunta in ay korortay sanadkan tirada kooxda ay ku dishay Soomaaliya marka la barbardhigo sanadkii 2022.

Sida ay warbixinta ku sheegtay hay’addu waa sanadkii ugu khasaaraha badnaa dagaalka ay Al-shabaab ka waddo gudaha Soomaaliya oo 17 sano jirsaday.

Warbixinta ayaa lagu xusay in 7937 qof lagu dilay Soomaaliya 2022 kaliya tiradaas oo ka badan tiradii ugu badneyd ee ay shabaab ku dilaan Soomaaliya oo ahayd 5224 sanadkii 2018kii.

Waxa xogta intaas ku dartay in weerarrada Al-shabaab ee Soomaaliya 2022 ay kor u kaceen 157%,waxaana ay ka mid tahay meelaha ay weerarrada Argagixisada aadka uga dhaceen Afrika 2022kii.

Kooxda Al- Shabaab ayaa muddo ka  badan ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya , kuwaas oo dagaal kala soo horjeeda Dowlada Soomaaliya

Inta badan kooxda ayaa beegsaday goobo dad badan oo shacab ah ay ku sugan yihiin iyo masuuliyiin Dowladeed ama shaqsiyaad ay ku tuhmayaan la shaqaynta dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.