Soomaalidii ugu badnayd oo  Suudan laga keenay oo dalka yimid

Soomaalidii ugu badnayd oo  Suudan laga keenay oo dalka yimid

Raxanreeb (Muqdisho ) Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saaraysa dib  u soo celinta , dadka – Soomaaliyeed ee ku go’adoonsan magaalooyinka dalka Suudaan , halkaas oo dagaalo ay ka socdaan.

Soomaali badan ayaa ilaa iyo hadda dib loogu soo celiyo – gudaha dalka kuwaas oo laga soo badbaadiyay colaada ka jirta dalka Suudaan , halkaas oo ay isaga baxsanayaan dad badan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa ka degtay diyaarad siday 73 qof oo Soomaali ah, kuwaa oo u badnaa arday Soomaaliyeed oo wax ka baranayay jaamacado dalka Sudan kuyaalla.

Sarkaal ka tirsan Dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wali ay jiraan dad Soomaaliyeed oo ku go’doonsan xuduudaha dalka Suudaan kuwaas oo u baahan in la soo badbaadiyo.

Diyaaradan Muqdisho keentay muwaadiinta Soomaaliyeed ee kasoo qaxay dalka Sudan ayaa noqoneysa tii afaraad, waxaana guud ahaan noqonayaan Soomaalida kasoo carartay Sudan ee dalka kusoo laabtay 242 qof

Dalka Suudan waxaa ka dhacaya wali dagaalo – xooggan badan kuwaas oo sababay dhimasho , dhaawac , burbur iyo barakac ku yimid dadka u dhashay dalkaas iyo kuwa shisheeyaha ah ee halkaas ku nool.

Soomaalida ayaa ka mid ah dadka ka soo baxsaday colaada ka socota dalka Suudaan kuwaas oo soo gaaray dalka ka dib markii ay heleen gurmad samatabixin ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.