Xilhibaan Dowladda ay og tahay oo loo doortay Kursiga #86

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo sabti ah waxa magaalada Muqdisho lagu doortay kursiga  muranka badan uu ka taagan yahay ee HOP 86 kaas oo hore loogu diiday Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Doorashada kursiga GSH # 086 oo horey loo sii ogaa musharaxa kusoo bixi doona ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo midkood malxiis ahaa, kaa oo doorashada inta aysan bilaabanba shaaciyay in uu tanaasulay.

Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed oo Villa Soomaaliya u xirtay kursigan ayaa ku guuleestay doorashada, kaddib markii ergadii hoolka soo xaadirtay qaab gacan taag ah ugu codeeyeen.

Doorashada kursigan ayaa waxaa hareeyay buuq fara badan, waxaana kursigan oo deegaan doorashadiisa aheyd magaalada Baladweyne loo soo wareejiyay Muqdisho, waxaana loo diiday in ay tartamaan musharaxiin kursigan isku soo sharaxay.

Waa kursigii saddexaad ee doorashadiisa la qabanayo, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda Mahad Maxamed Salaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.