Xukun sharci- darro ah oo lagu riday xoghayaha SJS Abdalla Ahmed Muumin

Xukun sharci- darro ah oo lagu riday xoghayaha SJS Abdalla Ahmed Muumin

Muqdisho ( Raxanreeb ) Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Axemd Muumin oo ay dacwad ka taalay Maxkamada

Waxayna Maxkamada ku xukunta labo bilood oo Xabsi ah

Sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud Dabaan.

” Go’aankaan inuu cadaalad ku saleysan yahay ma’aaminsanin, waxaan aaminsanahay siduu shalay ahaa inuu u siyaasadeydan yahay ” Maxamed Cabdiwahaab .

Saraakiisha SJS ayaa sheegay in xukunkan uu yahay mid sharci darro ah oo baalmarsan sharciga isla markaana uu yahay mid ay soo dhoodhoobeen Wasiir ku xigeenka Warfaafinfa  Cabdiraxmaan AlCadalla , Taliyaha Nabad sugidda Mahad Salaas iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari.

Kiiskan waxa uu soo jiitamayay muddo shan bil ah waxaana ugu danbeyn uu ku soo dhamaaday in la xukumo xoghayaha SJS Abdalle Ahmed Muumin .

Leave a Reply

Your email address will not be published.