Xukuumadda Muuse Bixi maxay ka tiri Afduub la yaab leh oo ka dhacay Somaliland

Xukuumadda Muuse Bixi maxay ka tiri Afduub la yaab leh oo ka dhacay Somaliland

Hargaysa ( Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah Somaliland waxaa dhibaatooyin ku haya koox dablay ah oo hubaysan oo falaaga ah kuwaas oo ku jira buuraha gacan Libaax.

Kooxdaas ayaa lagu soo waramayaa in ay gaysteen afduub taas oo la sheegay in ay qayb ka tahay dhibaatooyinka kooxahaas ay ku hayaan Somaliland.

Xukuumada Muuse Biixi Cabdi  ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay, dabley hubaysan oo weerar ku qaaday gaadiid ay lahayd hay’adda samafalka ee Halo Trust, halkaas oo ay ka kaxaysteen laba baabuur oo ay hay’addu lahayd, iyo weliba mid ka mida darawaladii gaadiidkaas.

Dableyda ayaa ka tirsan Jabhad hubeysan oo ka  horjeeda maamulka Muuse Biixi, kuwaasoo fariisin ka dhigtay Buurta gacan libaax.

Wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay inay “u xaqiijinayso dhammaan muwaadiniinta iyo hay’adaha ajnebiga ah, in arrintani ay ahayd dhacdo gooni ah”

Waa markii labaad oo ay kooxdan afduub ka geysaneyso Somaliland, ayada oo horay u xirtaay 8 qof oo ay 2 kamid ah ay ahaayeen saraakiil, walow mar dambe laga soo daayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.