Xuutiyiinta oo wacad ku maray in ay duqeyn doonaan Boosaaso

Yemen ( Raxanreeb Online) Xuutiyiinta Yaman ayaa markale ku hanjabay in ay 48 saac gudahood ay duqayn doonaan Xarunta Raadaarka Imaraadka oo ah saldhig ay ugu talalo galeen in ay ka ilaaliyaan biyaha Badda-Cas.

Kaddib markii garoonka Boosaaso soo buux dhaafiyeen diyaarado sida ciidamo Calooshood u shaqaystayaal ah Colombian ay soo kiraysteen Imaaraadka Carabta.

Arintan oo Madaxwayne Deni Cabsi ku abuurtay ayaa sababi karta in uu iskaga soo guuro Cararo Xarunta dhufayska ah ee dhulka hoostiisa ay PMPF uga sameeyeen si uu xasaradaha taagan ugaga dhuunto.

Dowladda Soomaaliya, ayaan ilaa hadda ka hadlin tallaabooyinka uu Imaaraatka ka wado dhulka Soomaaliyeed gaar ahaan magaalada Boosaaso, halkaasi uu dhowaan ku rikabay Raadeer loogu talagalay inuu hawada ka ilaaliyo duqeymaha kooxda Xuutiyiinta uu aad uga careysan dhaq dhaqaaqa uu Imaaraatka ka wado Soomaaliya iyo dalka Yemen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.