Day: June 28, 2024

Home » Archives for June 28, 2024
Farmaajo oo War kasoo saaray Geerida Jawaari
Post

Farmaajo oo War kasoo saaray Geerida Jawaari

Muqdisho ( raxanreeb) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Ugu horeyn Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha...

Mas’uuliyiin goordhow gaaray degaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug
Post

Mas’uuliyiin goordhow gaaray degaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Mudug

Mudug ( Raxanreeb) Wafdi ballaaran oo ka kala socday Puntland iyo Galmudug ayaa maanta gaaray goobihii shalay dirirtu ka dhacday, safarkaan ayaana ujeedadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa laba beelood. Wafdiga ayaana la kulmay dhinacyada dirirtu dhex martay iyagoona xooga saaray sidii loo joojin lahaa xabada iyo dhiiga daadanaya. Kulamo gooni gooni ah...

RW Xamse & Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay geerida Jawaari
Post

RW Xamse & Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay geerida Jawaari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed...

MW Xasan oo yiri ” Jawaari waxa uu ahaa qof Qaranka waqti adag u soo shaqeeyay “.
Post

MW Xasan oo yiri ” Jawaari waxa uu ahaa qof Qaranka waqti adag u soo shaqeeyay “.

Muqdisho(Raxanreeb)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka...

WARCUSUB | Prof . Jawaari oo geeriyooday & taariikhdiisa kooban.
Post

WARCUSUB | Prof . Jawaari oo geeriyooday & taariikhdiisa kooban.

Muqdisho (Raxanreeb )-Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Jimca ah ku Geeriyooday magaalada Muqdisho. Geerida AUN Jawaari waxaa xaqiijiyay ehelkiisa AUN Jawaari wuxuu dhashay sanadkii 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay...

Fiqi ” Ma filaynin in Hargaysa laga qaadi doono heeso Itoobiya lagu taageerayo “.
Post

Fiqi ” Ma filaynin in Hargaysa laga qaadi doono heeso Itoobiya lagu taageerayo “.

Muqdisho (Raxanreeb )- Wasiir arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in xilli ay Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xoriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya oo qudheedu kamid ah gumeysteyaashii halganka lala galay. Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa...

Waa sidee maanta oo Jimca ah deeganadii lagu dagaalamay ee Mudug ?.
Post

Waa sidee maanta oo Jimca ah deeganadii lagu dagaalamay ee Mudug ?.

Gaalkacyo ( Raxanreeb )- Deegaano ka mid ah gobolka Mudug waxaa wali ka taagan xiisad u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo wada degaano gobolka Mudug halkaasShalay deegaanada u dhexeeya Goldogob iyo Saax-qurun , waxaa ka dhacay dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac oo ay barbar socdeen barakac laba dhinac ah. Sida Raxanreeb saaka...

Biden & Trump oo dood adag dhaxmartay- Doorashada Aqalka cad.
Post

Biden & Trump oo dood adag dhaxmartay- Doorashada Aqalka cad.

New York (Raxanreeb ) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynihii hore ee dalkaas ahna musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ka qeyb galey xaley doodii ugu horeysay ee madaxweyninimo ee doorashada 2024 ee dalka mareekanka. istuudiyaha CNN ee Atlanta, Georgia, ayaa doodaasi Marti galiyey, Doodan ayaa fursad u ah labada musharax inay isku dayaan inay...