Madaxweyne ku xigeenka Malawi iyo dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarad militari oo la waayay isniintii ayaa "ku dhintay shilkaasi diyaaradeed ",.
Month: June 2024
Roobow oo kulan la yeeshay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga Towfiiq Binu Fowsaan.
GAZA : 9 Bil ka dib waxaa ka dhaqan –galaya xabad joojin.
New York (Raxanreeb )- Fadhi – Golaha ammaanka uu ka yeeshay xaaladda Marinka GAZA oo ay wali ka jiraan dhibaatooyin badan ayuu ku meel mariyay xabad joojin , ka dhaqan gasho halkaas. Talabadan ayaa ka dhigan Golaha uu qaaday markii ugu horeysay , qaraar adag oo ka dhan ah dhinacyada mudada sagaalka bilood ku dagaalamay...
NUXUR : Maxaa ka soo baxay wada- hadalka Xasan Sheekh Boqor Harald V.
Oslo (Raxanreeb )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus. Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyagoo diiradda saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha,...
MALAWI : Diyaarad Sidday Madaxweynihii iyo 9Xubnood oo La Waayay.
Malawi (Raxanreeb )- Diyaarad siday madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi Saulos Klaus Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la waayay, Sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha dalkaas, dadaallada lagu raadinayo diyaaradda ayaa socda. “Dhammaan dadaallada ay sameeyeen mas’uuliyiinta duulista si ay xiriir ula sameeyaan diyaaradda tan iyo markii ay ka baxday radar-ka waa ay...
DF oo amar ku bixisay in 10 maalin qoysaska ehelkoodu ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiya ay ku faagtaan
Masu’uliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir ahna ku simaha duqa Muqdisho, Yuusuf Jimcaale Madaale, iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad, maanta oo Isniin ahayd, ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.
Dowladda oo lagu yiri ” Haddii xishood lahayn waxaad doonto sameey”- Falcelinta Quburaha la faagay.
Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faagtay qabuuraha iskuul Buliya oo ay ku aasan yihiin maydad badan. Dhulkan ayaa la sheegay in dowladda ay ku wareejisay ganacsato isla markaana laga samayn doono dhismayaal waxaana ka dhashay falkaan facelin xoogan. Qoraal uu soo saaray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku...
In ka badan 80 qof oo lagu dilay bariga Congo
Tirada dhimashada ayaa gaareysa 41 kaddib weerarkii ay xagjiriinta jimcihii ku soo qaadeen tuulooyin ku yaal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo sidaasina waxa sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Congo.
Khilaafka Qaramada Midoobay iyo Israel oo cirka isku sharewray
Khilaafka u dhexeeya Israel iyo Qaramada Midoobay ayaa sii xogeystay kaddib markii militeriga Israel ay Qaramada Midoobay ku dartay liiska kuwa ku xadgudubo carruurta.
XAMAR WAXAA LEH NINKII GURI KU LEH!
Muqdisho (Raxanreeb)- Qormadani, waa mid xanbaarsan carin iyo maangodlin dadweyne, maaha mid lagu dhaliilayo cid gaar ah, waa qormo muujinaysa hoggaamin xumida gobolka Banaadir haysata, waa qormo tilmaameysa gudasha la’aanta iyo marnaanta dadka loo dooray, waa qormo ifineysa in aan loo baahnayn gudoomiye gobol oo ku mashquulsan dharka gabdhaha soo koraya iyo timaha wiilasha kurayga...









