Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Ceelasha Biyaha ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helay weerar Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe ku qadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lee yihiin duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa la tilmaamay inuu ku biloowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaalka toos ah oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa iyo hadda si rami ah looma oga khasaaraha dagaalka labada dhinac ka soo kala gaaray.

Sidoo kale Weli laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin khasaaraha xalay kasoo gaaray dagaalka ay Al-shabaab ku oo qadeen duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee magaalada Muqdisho.

Sikastaba, weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili kooxda Al-shabaab ay kordhisay weerarada ay ku qaadeyso fariisimaha ciidanka dowladda ay ku lee yihiin deegaanada iyo degmooyinka ku yaalla gobolada bartamaha iyo Koonfurta dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.