Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo sabti waxaa lagu waday in magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shirka madasha wadatashiga Qaran kaas oo ay ka qayb gali lahayeen hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dalka.
Shirkan waxaa ku baaqay Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaaana ujeedka uu ahaa ka hadlid arrimo dhawr ah oo ku quseeya xaaladda dalka.
Sida xogaha ay sheegayaan madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa ka biyo diiday ka qayb galka shirka sida madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Hadda waxaa ku sugan magaalada Muqdisho madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor kaas oo ka mid ah madaxda la casuumay.
Madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa sii kala fogaanaya, waxaana suurtagal ah in sababta shirkaan uu u qabsoomi waayey ay taasi ugu horeyso.
Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada qaar ayaa ka biyo diidsan oo dhaliilsan hanaanka dowladda ay u marayso , wax ka bedelka Dastuurka oo muran badan uu ka taagan yahay.
Inkastoo Saciid Deni lagu bilaabay warqadii lagu casuumay madaxda gobollada, hadana waxaa si buuxda loo saadaalinayey in Muqdisho uusan imaa doonin, maadaama ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh.
Leave a Reply