Turkiga oo Muqdisho keenay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Turkiga oo Muqdisho keenay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Turkiga ayaa maanta Muqdisho keentay saanad ciidan si loo sii wado awoodda howlgallada ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah AS

Talaabadan ayaa qayb ka ah , qorshaha Turky ee caawinta dowladda dagaalka lagu soo afjarayo kooxda A- Shabaab ee ka socda meelo badan oo Soomaaliya ah xiligan.

Dowladda Turkiga oo xoojineysa cilaaqaadka Militari ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa loo gacangelinayaa Diyaaradaha casriga ah ee duulliye la’aanta ah ee Dalkaas uu farsameeyay gaar ahaan Bayraktar Akinci.

Diyaaraddaan uu leeyahay Turkiga ayaa awood dhammeystiran u leh in ay xambaarto dhowr gantaal oo lagu dhufan karo meelaha lagu beegsanayo, Kaamirooyin casri ah oo muuqaallo iyo sawirro soo gudbinaya kahor beegsiga & faa’iidooyin kale.

Horraantii bishii Febraayo 2024, waxaa magaalada Ankara ee Turkiga ku kala saxiixday heshiis difaac iyo mid iskaashi dhaqaale ah, Wasiirrada Difaaca ee dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga

Heshiiskaani wuxuu Turkiga u oggolaanayaa inuu la dagaallami karo dhammaan ficillada la xiriira argagixisada, burcad-badeedda, kalluumaysiga sharci-darrada ah, sunta lagu daadiyo xeebaha Soomaaliya iyo handadaad kasto oo ka dhan ah badda Soomaaliya taas oo uga imaan karta dibadda

Leave a Reply

Your email address will not be published.