Duqa Muqdisho oo maanta qaatay Kaarka codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

Duqa Muqdisho oo maanta qaatay Kaarka codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaatay kaarka codbixinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah, asigoona iska diiwaangeliyay Degmada uu dagan yahay ee Kaaraan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin weyn oo aan waligiis soo marin, isagoo sheegay in uu ka mid noqday shacabka Soomaaliyeed ee fursadda u helay in ay wax doortaan ama la doorto.

“Maanta waxa ay ii tahay maalin weyn oo waligeey isoo marin, waxaan helay xaquuqdeyda siyaasadeed oo ah in aan wax doorto ama lay doorto waxaan shacabka ugu baaqayaa in ay is diiwaangeliyaan oo ay go’aan ku yeeshaan masiirkooda siyaasadeed,”ayuu yiri guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale guddoomiye Muungaab ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay, si uu u dhaqan geliyo ballan qaadkiisii ahaa in uu dalka ka qaban doono doorasho xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn waxa guddoomiyaha shacabka ugu baaqay in ay u dareeraan goobaha isdiiwaangelinta si ay u doortaan madaxda hoggaamin doonto ee heer degmo, heer gobol illaa heer qaran. 

Leave a Reply

Your email address will not be published.