Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday maalmo ka hor magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar.
Golaha wasiirrada ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid gardarro ah oo maamulka Israa’iil uu ka gaystay dalka Qatar gaar ahaan magaalada Doha.
Golaha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, ayna si cad u diiddan tahay gardarrada iyo xadgudubyada kahor imaanaya dhammaan xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah.
Kulanka Golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka, Sharcigan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa nidaamin doonaa fayo-dhawrka, badqabka iyo tayada Hilibka.

Leave a Reply