Ciidanka Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Yaaq dabeel (Raxanreeb Online) Ciidanka daraawiishta dowladda jubbaland gaar ahaan guutada labaad Uruurkeda labaad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminaayo taliye Cali Xasan Aadan ( Cali yare ) waxaana laga fuliyay deegaanka yaaq dabeel oo kamid ah keemaha howdka ah ee Al-shabaab ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiisha ayaa sheegay inta uu howlgalka socday ay burburiyeen fariisimo ay ku sugnayeen dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab isla markaana ay ku daba jiraan xubnihii firxaday.

Howlgaalka Ciidanka daraawishata jubbaland Ayaa galay maalintii sedaxaad oo xiriir ah iyadona ciidanku ay cagta mariyeen goobo khawaarijta ay ku dhuumaaleysanayen.

Halyeeyada Dowlada Jubbaland ayaa Malmahan dhowr jaho oo gobolka Jubada hoose ah ka wada Howlgalo khawaariijta looga saarayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.