Pakistan oo sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto Afghanistaan kadib qaraxii ay dadka ku dhinteen

Pakistan oo sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto Afghanistaan kadib qaraxii ay dadka ku dhinteen

Pakistan ( Raxanreeb Online) Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa sheegay, in Pakistan aysan meesha ka saari karin inay tallaabo ka qaado Afghanistan, ka dib qaraxii Talaadadii ka dhacay banaanka maxkamad ku taal magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan.

Isagoo la hadlayay telefishan Pakistani ah, wuxuu sheegay in weerarrada noocaas ah loo arko bilowga gardarro mustaqbalka ah oo uga timaada Afghanistan.

Xiriirka Pakistan iyo Afghanistan ayaa si weyn u xumaaday bilihii la soo dhaafay.

Pakistan waxay ku eedeysay Taalibaanka Afghanistan inay hoy u yihiin kooxaha xagjirka ah, iyadoo sheegtay in weerarrada lagu qaado Pakistan, lagu qorsheeyo oo laga soo abaabulo gudaha xuduudaha Afghanistan.

Geesy kale Dowladda Taalibaan ayaa beenisay eedaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.