Maxey tahay xarunta uu dhagax dhigay Agaasimaha NISA ee degmada Balanballe ?

Maxey tahay xarunta uu dhagax dhigay Agaasimaha NISA ee degmada Balanballe ?

Balanballe ( Raxanreeb Online) Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka dhagax dhigay xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada NISA.

Xerada ciidan ee laga dhisayo Balanbal waxaa ku shaqeyn doona Ciidanka Hay’adda ee loogu talagalay inay ka shaqeeyaan amniga guud ee degmadaas iyo deegaannada hoos taga.

Taliye Mahad Salaad oo safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa u kuurgalaya xaaladda amniga, isagoo kulamo wadatashi ah oo lagu xoojinayo amniga iyo nabadda degmooyinka iyo deegaannada gobolka Galgaduud la qaatay saraakiisha ammaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

Leave a Reply

Your email address will not be published.