KAYMAHA Nugaal oo gubtay & faahfaahin ka soo baxaysa.

KAYMAHA Nugaal oo gubtay & faahfaahin ka soo baxaysa.

Qardho (Raxanreeb )-  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo ka kacay kaymaha gobolka Nugaal ,halkaas oo   inta badan ay gubteen dhir aad  badan  waxaana u uku sii fiday kaymo kale oo hor leh.

Kulalaylaha xad dhaafka ah ayaa loo sababaynaa inuu ka bilowday dabka ka kacay saacadihii la soo dhaafay kaymaha gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland.

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo.

Dhinaca kale Puntland oo sameysay dadaallo dheeraad ah ayaa ku guuleysatay in la damiyo dabkaasi, waxaana la magacaabay guddi soo baara, sida uu dabka u kacay.

Qoysas aad u badan ayaa isaga barakacay dhamaan deegaanada uu saameeyay dabka ka kacay kaymaha gobolka Nugaal oo sabab looga dhigayo isbedelka cimilada ee dunida.

Xaaladdan ayaa lagu tilmaamay musiibo, maadaama uu dabka iskiis u kacay, loona sababeynayo isbeddelka ku yimid guud ahaan cimilada Soomaaliya oo aad u kulul.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa mararka qaar lagu arkaa deegaanada Puntland, gaar ahaan goobaha kaymaha oo ay u dhow yihiin buuraha oo horay sidaan oo kale uu dab uga kacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.