Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dhageysaneysa kiiska Koofi

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dhageysaneysa kiiska Koofi

Muqdisho (Raxanreeb) — Magaalada Muqdisho waxaa saaka loo fariistay dhegeysiga dacwad loo haysto agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo saraakiil kale oo sida la sheegey ka tirsan wasaaradda maaliyadda.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dacwadda agaasimaha saaka u fariisatay isagoo dalka ka maqan, waxaana maxkamadda tagey qareen isaga difaacayay.

Waa dhegeysigii ugu horreeyey ee dacwaddaas oo sidoo kale dad 10 qof ka badan kiisaskooda lagu dhegeysanayo, kuwaasoo lagu eedeyay musuqmaasuq.

Horey ayay u fariisatay maxkamadda Gobolka Banaadir saraakiil lagu eedeeyay musuq maasuq kuwaas oo ka kala shaqeynayay Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.

Koofi, ayaa horey u sheegay imaanshaha Muqdisho in amnigiisa la ballan qaadin taas oo walaac xooggan uu ka muujiyay hadduu dalka dib uga soo laabto in naftiisa khatar amni geli karto.

Sdioo kale Koofi ayaa shalay qoraal uu soo geliyay boggiisa Facebook waxa uu ku sheegay in weli la isticmaalayo Email kiisii shaqada ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Koofi ayaa raaciyay hadalkiisa in uusan masu’ul ka ahayn wax kastoo lagu geysto Email kaas oo hore uu isticmaali jiray hadda balse Password-ka laga baddeshay.